Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si kulul u cambaareeyey ku biiriddii uu ku xigeenkiisa, Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi “Sheekh Xasan Turki” uu ugu biiray ururka Al-Shabab.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu tallaabadaasi ku tilmaamay arrin shakhsi ah, waxana uu ku eedeeyey ururka Al-Shabab inay jebiyeen heshiis ay hore u wada gaareen oo ahaa, waa sida uu hadalka u dhigaye, “inaan dadka la isku dirin la iskana bililiqaysan”.
Hadalkan ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ka sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdishu.
Warbixin uu shirkaasi jaraa'id nooga diyaariyey Cali Xadhaadhe ka dhagayso dhinaca kore ee midigta.



