Wararka ka imanaya dalka Sucuudiga ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Rashaad oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaano Soomaaliya iyo qurbaha uu ku xijaabtay magaalada Mina.
Sheekh Maxamed Rashaad ayaa la sheegay inuu ku soo booday xanuun kedis ah kadibna uu joogga ka duulay. Mid ka mid ah culimada ay sida weyn isku yaqaaneen Sheekh Maxamed Rashaad ayaa idaacaddan VOA u sheegay in Sheekh Maxamed Rashaad uu xanuunsanaa muddo laba maalmood ah.
Sheekh Maxamed Axmed Nuur "Gadhyare" oo aqoon shaqsi ahaaneed u lahaa Sheekh Maxamed Rashaad ayaa ku tilmaamay inuu ahaa nin fidinka diinta qayb weyn ka qaatay.
Waraysiga Sheekh Gadhyare ka dhagayso dhinaca midig ee kore



