Boqollaal ka tirsan ciidanka DKMG ah oo muddo saddex bilood ah uu tababar uga socday degmada Hol-Hol ee dalka Djibouti, ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey tababarkooda.
Waxaana xafladda gabagabadaas ka qeyb galay masuuliyiin ka kala tirsan dowladda Djibouti iyo qaar ka tirsan danjirayaasha caalamiga ah ee Djibouti fadhiya.
Taliyaha sare ee gaashaandhiga Djibouti Sakariye Sh. Ibrahaim ayaa ciidamaasi tababarka dhamaystay ku guubaabiyay inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda iyo dhaarta ay mareen ee ku saabsan inay daacad u noqon doonaan dowladda KMG, Sakariye wuxuu kula dar-daarmay inay qeyb ka w
Wakiilka Somalia ee Djibouti ayaa sheegay C/raxmaan Maxamed Hiraabe ayaa sheegay inuu rajo fiican ka qabo in ciidamadan la tababaray ay gacan ka geysan doonaan dib u soo celinta nabadda Somalia.
Tababaradan oo soconayay muddo sadex bilood ah ayaa waxaa bixinayay dowlada Djibouti iyo ciidamo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay Djibouti.
Ciidanka tababarku u dhammaaday ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay u amba baxaan magaalada Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamo loo tababaro dowlada KMG ah, qaar ka tirsan wadamada Geeska Afrika ayaa tababaro u fidiyay ciidamo isugu jira, boliiska iyo militariba, inkastoo aysan ciidamadaasi ku guuleysan dib-u-soo celinta nabaddii iyo kala danbeyntii Somalia.
Warbixinta tababarka ciidamada qeybta hoose ama midigta sare ee boggan ka dhagayso.



