Shirkaasi ka dhacay magaalada Houston ee gobolka ku yaala Koonfurta dalkan Maraykanka ee Texas waxaa ka soo qaybgalay ururrada matala bulshada Soomaali Bantu ee ku dhaqan Maraykanka.

Bulshada ayaa u dabbaaldegaysa muddo shan sano ah tan iyo intii barnaamijka dib u dejinta ee ballaadhan ay u samaysay dawladda Maraykanku, kaasi oo lagaga soo daadgureeyey dalka Kenya.

Ururradan ayaa ka shiray waxyaabaha u qabsoomay muddadaasi iyo bartilmaameedyada weli aysan hiigsan.

Shirkaasi kadib ayaa Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA waxa uu khadka telefoonka kula xiriiray saddex ka tirsan hoggaamiyayaasha ururrada bulshada ee bulshada Soomalai Bantu, kuwaasi oo kala ah: Ruqiyo Aweys Maxamed oo ka timid magaalada Portland ee gobolka Oregon; Sheekh Nuur Yuusuf Bood oo ka yimid gobolka Missouri iyo Cabdiraxmaan Waliyow Ibraahim oo matalayey San Antonio, Texas.

Waraysiga Haaruun Macruuf uu la yeeshay xubnahan ka dhagayso dhinaca midig ee kore.