Wargaysyda ayaa ka soo xigtay wakaaladda Sirdoonka ee Koonfur Afrika in koox Soomaali ah ay Unug Argagaxiso ka samaysteen Dalka Mozamibque, iyaga oo ku tala jira in ay u gudbaan Koonfur Afrika si ay u weeraraan Danaha Maraykanka iyo Garoomada Ciyaaraha Koobka Aduunka ee sanadka 2010 lagu qaban doono Koonfur Afrika.

Wariye Madaxbanaan oo ku sugan Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Cabdinaasir Soomaane ayaa VOAda u sheegay in wararkani ay cabsi hor leh ku abuurtay jaaliyadda Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika oo markii horeba dhibaato ka haystay weerarada ku salaysan Ajaanib-Nacaybka ee lala beegsdo Soomaalida ku nool Koonfur Afrika.