Burcad badeed Soomaaliya ayaa biyaha geeska Afrika ku qabsaday Markab xamuul oo Greek laga leeyahay, markabkaasi oo ay saaran yihiin 21 shaqaale ah.

Ciidamada ka hor-taga burcad-badeedda ee ka socda wadamada Midowga Yurub ayaa sheegay in markabkaasi oo lagu magacaabo MV Delvina goor sii horeysay maanta oo khamiis ah la afduubtay isagoo u sii socday Zanzibar.

Ciidamada NATO iyaguna waxay xaqiijiyeen afduubka markabkaasi. War saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in shaqaalaha markabkaasi saarnaa ay isgu jireen 7 u dhashay Ukraine iyo 14 Filipiniiyiin ah.

War saxaafadeedkaasi waxaa kaloo lagu sheegay in in markabkankan Delvina markii ugu war danbeysay uu ku sugnaa meel 480 km koonfur bari kaga toosan Mombasa kuna sii wajahnaa dhinca waqooyi

Burcad-badeedda Soomaaliya ayaa haatan haysta ilaa 9 markab iyo in kabadan 100 shaqaale ah, burcad-badeedda ayaa sidoo kale haysta lamaane British ah Paul iyo Rachel Chnadler, kuwaasoo laga soo qabsaday dooni nooca dalxiiska ah oo ay wateen laba todobaad ka hor