Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ninkan Maraykanka oo muslim ah uu magaciiska ku sheegay Cismaan. Ninkan ayaa saarnaa baabuur bus ah, iyadoo boliiskuna ku qabteen deegaanka Libooya-Kenya.
Boliiska Kenya waxay sheegeen in ninkaasi uu kaligii ahaa xilligii la qabanayay.
Ninkaasi Mareykanka ayaa haatan waxaa lagu wareejiyay ciidanka la-dagaalanka argagixisada ee Kenya.
Ilaa hada ma cadda in ninkaasi uu qorsheynayay inuu ku biiro kooxaha Islaamiyiinta ee dagaalka ka wada dalka Somalia.
Kooxda Al-Shabaab ayaa Somalia ku marti qaaday inay yimaadaan dagaalyahano caalami ah oo kala qeyb gala dagaalka ay kula jirto dowlada Somalia.



