Taliyaha qeybta 12-aad ee ciidanka Somaliland, Cismaan Yusuf Nur ayaa subaxdii Axadda lagu dilay qarax xooggan oo lala beegsaday gaarigiisa, bartamaha magaalada Laasacaanood. Laba askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo dhowr qof oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka gaashaandhigga ee Somaliland, Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa xaqiijiyey geerida taliyaha, wuxuuna ku eedeeyey kooxo uu ku sifeeyey "cadowga Somaliland."

Ma jirto cid sheegatay qaraxaasi. Ha yeeshee wuxuu noqonayaa markii ugu horreysay tan iyo markii Somaliland ay dib ula wareegtay gacan ku heynta magaaladaas, oo masuul heerkaas ah la khaarijiyo.

Laasacaanood, iyo qeybo kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag, waa gobollo ay ku muransan yihiin labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.