Xeer-ilaaliyaasha dalka Holland ayaa qabtey nin Somali ah, ninkan ayay dawladda Maraykanku u raadineysey dambiyo la xiriira maalgelinta iyo taageerada kooxaha argagixisada ee ka howlgala Somalia, waxayna sheekadan ku lug leedahay baaritaanada ay hay’adda sirdoonka ee Maraykanka ku waddo dhalinyaradii ka tagay gobolo ka tirsan dalkan Maraykanka si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabab ugana qeyb qaataan howlo argagixiso.

Ninkan oo magaciisa aan la sheegin ayaa la xaqiijiyey inuu 43 jir yahay kana tagey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kadibna iska dhiibey Holland.

Abdimalik Yusuf oo ah tafatiraha idaacadda Dalmar oo saldhiggeedu yahay magaalada Den Haag ee dalkaas Holland ayaa arintan si gaar ula socdey xog dheeraad ahna I siiyey. wuxuuna sheegey in ninkan laga soo qabtey xero qaxooti oo ku taallo magaalada Dronton habeenimadii sabtidii dhaweyd, halkaasoo uu ku sugnaa illaa iyo bishii december 2008dii, wuxuu hadalkiisa sii raaciyey in falalkan lagu tuhunsanyahay ninkan uu geystey markii uu degganaa Maraykanka oo uusan ka fulinin Holland gudaheeda.

Abdimalik ayaa xaqiijiyey in maxkamadda Rotterdam ee dalka Holland ay go’aamin doonto meesha lagu maxkamadeyn doono ninkaas inkasta oo uu Maraykanka dalbadey in Maraykanka lagu maxkamadeeyo.

Afhayeenka hay’adda sirdoonka ee FBI, Ek Wilson ayaa sheegey in xiritaankan uu dabo taagan yahay xog ay ka heleen baaritaanada ay sameynayeen wuxuuna hadalkiisa ku daray in ay si gaar ah ola shaqeynayaan mas’uuliyiinta dowladda Holland.

Abdimalik wuxuu sheegey in ninkan laga soo qabtey xero qaxooti oo ku taalo magaalada dronton habeenimadii sabtidii dhaweyd, halkaasoo uu ku sugnaa illaa iyo bishii december 2008dii. wuxuu hadalkiisa sii raaciyey in falalkan lagu tuhunsan yahay ninkan uu geystey markii uu degganaa maraykanka oo uu san ka fulinin holland gudaheeda. abdimalik wuxuu sidoo kale xaqiijiyey in baaritaankaan uu socdey in muddo ah.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in 20 dhalinyaro oo Somali ah ay ka tageen magaalada Minneapolis oo ay gaareen Somalia, Waxaa sidoo kale la xidhay 3 nin oo qirtey in ay fuliyeen dambiyo la xiriira falal argagixiso kuwaasoo haatan ku jira xabsiyada Maraykanka.