Dowlada Spain ayaa soo bandhigtay qorshayaal lagu go'doominayo qaar ka tirsan dekadaha ay ka howlgalaan burcad-badeedda Soomaaliya.

Wasiirada gaashaandhiga ee Spain Carme Chacon ayaa Warbaahinta Spain u sheegtay  in qorshahaasi ay soo hordhigi doonto kullanka wasiirada Arrimaha Dibeda ee Midowga Yurub ee todobaadka danbe.

Carme Chacon waxaay sheegtay in ay hindisayaashaasi ay ka mid yihiin in ay ciidamada wadamada badan ka socda ee ku hawlan la dagaalanka burcad-badeedda Soomaaliya ay go’doominayaan sadexda dekedood ee ay u muuqdaan in ay ka hawl galaan burcad-badeedda iyo in la xoojiyo in ay beesha caalamku ay iska kaashadaan  sidii daba gal loogu samayn lahaa lacagaha ay burcad-badeeddu ay madax furashada uga qataan maraakiibta ay sii daynayaan.

Wasiirad Gaashaandhiga Spain waxay intaas ku dartay in loo baahanh yahay in burcad-badeedda Soomaalida laga hor joogsado lacagaha ay sheegtay in ay burcad-badeedda Soomaalida ka soo gala kooxaha habaysan ee dambiilayaasha ah ee isticmaalaya shariikadaha dhinaca sharciga ee reer Europe.

Spain waxaa ay imika haysaa oo u xidhan laba nin oo ka tirsan burcad-badeedda Soomaalida oo ay sii dayntoodda dalbadeen raga burcad-badeedda ah ee ay wada shaqaynayeen oo iyaguna sheegay inay sii dayn doonaan markab kuwa kaluumaysiga ah oo ay Spain leedahay oo ay saarran yihiin 36 qof o shaqaale ah.