Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay doonayso in la ilaaliyo rayidnimada xeryaha qaxootiga Soomalaida ah ee Waqooyiga Kenya.
Af-hayeenka hay’addaasi
Emanuel Nyabari ayaa hadalkaasi jeediye kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhalinyaro ka tagtay xeryaha Qaxootiga ee ay dagan yihiin dadka Soomaalida ee Kenya si qarsoodi ah loo qoray ciidan.
Afhayeenku Waraysi uu siiyey idaacaddan VOA ayaa wuxuu ku sheegay inuu maqley hadallada cadaynaya ciidan qoristaasi, balse Afheenku wuxuu sheegay inaanu xaqiijin karin cadeynta warkaasi. Nyabari wuxuu sheegay in boliiska Ifo ay qabteen dhowr dhalinyaro ah oo la shiray qaxootiga, haatana baadhitaan uu boolisku ku wado arrintaasi.
Nyanbari wuxuu sheegay in haddii qof ku jira xerada qaxootiga uu sidii ciidan ahaan is-qoro uu waayi doono aqoonsiga qaxootinimo.



