Wariyaha VOAda ee Gaalkacayo Maxamed Yaasiin Isxaaq ayaa habeenimadii  xalay oo arbaca ahayd lagu toogtay magaaladaasi.

Booliska magaalada Galaakacayo ayaa rasaas ku furay  isaga oo watta baabuurkiisa mar uu mar bar-kantarool.

Maxamed Yaasin ayaa sheegay in baabuurkiisa la baadhay laba jeer kadibna askari taagan meel ka durugsan barta kantroolku uu ku furay rasaas taasi oo mid ka mid ah ay dhaawacday.

Wariyaha ayaa sheegay in uu tuhunsanyahay in rasaastaasi si ula kac ah loogu furay iyada oo ay jirtay sida uu sheegay muran u dhaxeeyay bilayska iyo saxaafdda maxaliga ah ee gobolka.

Hase ahaatee Taliyaha Booliska gobolka Mudug ee Maamul goboleedka ee Puntland Gaashaanle Sare  Muuse Axmed Cabdiraxmaan “Muuse Xasaasi” ayaa arrintaasi beeniyay isaga oo sheegay in guddi loo saaray soo baadha sida ay wax u dhaceen.

Taliyuhu waxaa uu tilmaamay in hadii uu khaladku ku caddaado askarta booliska la hor keeni doono cadaalada sidoo kalena hadii wariye Maxamed Yaasin uu lahaa khaladkana la hor keeni doono cadaaladda.

Gashaanle Sare Muuse Xasaasi ayaa tilmaamay in xaaladda amaanka ee magaalada Gaalkacayo awgeed ay askartu ku jiraan feejignaan dheeri ah .