Xaaladda Degmada Xagar ee gobolka Jubadda Hoose ayaa saaka degan, iyadoo dhinaca kalena tirada dadkii dagaalkaasi ku dhintay ay haatan gaadhay 20 ruux.
Isgaarsiinta oo go’an darteed ayaa la sheegayaa inay adag tahay in warar rasmi ah laga helo khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi uu dhaliyay. Dagaalladan u dhaxeeya Xisbul-Islam iyo Al-Shabaab oo shalay aroortii bilowday ayaa istaagay galinkii danbe ee shalay.
Tirada dadka dagaalkaasi ku dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafayaan 30-meeyo, iyadoo qaar ka tirsan dhaawacyadaasina la gaarsiiyay cusbitaallada magaalooyinka Afmadow, Mareeray iyo Jamaame.
Wararka ugu danbeeyey ee laga helayo goobaha dagaalku ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in labada dhinacba ay soo gaarayaan gurmad iyo saanado hub ah, waxaana dhici karta in dagaalku dib u bilaaban karo.



