Xildhibaanka oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Gaab ayaa niman hubaysan ay fiidnimadii caawa oo arbaca ah  ku dileen magaalada Garoowe, xilli uu ka tagay meel maqaayad ah oo uu ku sugnaa. Dad googjoogayaal ah ayaa VOA-da u sheegay in nin dhalinyaro ah la sheegay inuu 5 xabadood ku dhuftay xildhibaanka.

Dhinaca kalena, garyaqaan ka tirsan maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bossaso oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Cabdi Awaare ayaa salaadii maqrib kadib lagu dilay, isagoo xilligaasi ka soo baxay masaajid uu ku tukaday.

Wararka ka imanaya Puntland ayaan sheegaya in ilaa haatan aysan cadeyn in labadan dil ay xiriir leeyihiin iyo in kale.

Dilalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaanahan deegaanada Puntland ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Dhawaan ayaa magaalada Bossaso waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Puntland. Ma cadda cida loo malaynayo inay ka danbeeyaan dhacdooyinka.