Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah magaalada Hargeisa ku soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed ee uu ugu talo galey inay dalka uu ku hogaamiyo hadii uu ku guulaysto madaxtinimada doorashooyinka la filayo inay dhawaan dhacaan.
Waraysi gaar ah oo uu siiyay VOAda ayaa gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku sheegay in qorshahan uu ugu magacdaray (Qorshaha Horomarinta 10ka Sanadood ee soo socda).
Qorshahan ayaa sida guddoomiye Faysal uu sheegay waxaa ku xusan in la horomarayio kaabayaasha dhaqaalaha isaga oo tilmaamay in qiyaas ahaan hawshaasi ay ku kacayso 12 milyan oo doolaar.
Lacagtaasi ayaa waxaa uu sheegay in kala badh ay ka filayaan dadka reer Somaliland, isaga oo intaasi raacaiyay in uu aaminsanyahay in hadii intaasi la helo beesha caalamkuna ay inta kale ku dari doonto.
Guddoomiyaha UCID ayaa ballan qaaday in soo koobayaan tirada golaha wasiiradaisla markaana waxaa uu gudoomiyuhu xusay in ay shan Haween ah ay ku daryaan golaha xukuumadda isaga oo sii magacaabay Haweenayda qabanaysa jagada wasaaradda arrimaha dibadda oo ay u qorsheeyeen Faadumo Cali Madar.
Qorshaha xisbiga UCID ayuu guddoomiyuhu sheegay in ay ku jirto dar dar galinta ganacsiga oo uu sheegay inaanu ku koobnaan doonin dhoofinta xoolaha iyo sayladaha carabta oo kaliya , isaga oo xusay in ay kordhinayaan waxyaabaha la dhoofinayo iyo suuqyada la gaynayo.
Guddoomiyaha UCID ayaa xusay in 120ka maalmood ee u horeeya ay ku soo bandhigayaan waxa ay qabteen hadiiba ay talada qabtaan, si loo kala arko in ay wax qabteen iyo in ay ku fashilmeen ballanqaadkooda.
Waraysiga Guddoomiyaha ka dhegayso midigta sare ee boggan.



