Wasiirka xanaanada xoolaha ee dalka Kenya Mohamed Kuti , ahna xildhibaan laga soo doorto magaalada Isiolo, ayaa sheegay in dad hubaysan ay soo galeen tuulo ku taalay deegaanka Isiolo xili hore oo saakay axadii ahayd halkaana ay ku dileen 11 qof.

TVga ay dowladu leedahay ee KBC ayaa burcada weerarkasi soo qaaday ku sheegay inay ahaayeen ilaa 300 qof oo hubaysan waxayna sheegeen in ay dhaceen xoolo badan oo aan la garanaynin tiradooda.

Wasiirka ayaa canbaareeyey weerarkaasi kuna eedeeyey dowlada Kenya inay u diri wayday ciidamada amniga deegaankaasi.

Xoolo kala dhicida ayaa inta badan ka dhaca dalka Kenya.

Bartamihii bishii September, ayaa 30 qof ay ku dhinteen rasaas la is  waydaarsanyey oo xoolo ay ku kala dhacayeen qabiilada Pokot iyo Samburu halkaasi oo lagu kala qaaday boqolaal xoolo ah.