Dowladaha Yemen iyo Somalia ayaa gaaray heshiis ku saabsan ka faaidaysiga kheyraadka badda ee Yemen iyo Somalia.
Wasiirrada Kaluumaysiga ee Yemen iyo Somalia ayaa heshiiskaasi si wadajir ah qalinka ugu duugay magaalada Sance. Prof C/raxmaan Ibbi oo ah wasiirka Kaluumaysiga Somalia oo heshiskaasi Somalia u saxiixay ayaa sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen in kheyraadka ceegaga baddaha ay si wadajir ah u soo saaraan kadibna u suuq geeyaan suuqyada caalamka. Prof Wuxuu sheegay in labada dhinac ay haatan magacaabeen guddi farsamo oo heer sare ah oo soo diyaariya qaabkii heshiiskaasi loo hirgalin lahaa.
Heshiiskan ayaa haddii uu hirgalo noqon doono mid labada wadan ee Somalia iyo Yemen-ba ay ka faaidi doonaan oo kharash fara badan soo galin doona labada dal.
Badda u dhaxeysa Yemen iyo Somalia ee Badda Cas iyo badweynta Hindiya ayaa waxaa dhex-ceegaaga kheryaad kala duwan oo uu kaluunkuna ka mid yahay, hase yeeshee waqtiyadan danbe waxaa badda iyo biyaha Somalia ku hareeraysan fara ba'an ku haya burcad-badeed weeraro is daba joog ah ku haya maraakiibta caalamiga ah ee halkaasi maraya.



