Barnaamijka Wicitaanka Dhageystayaasha oo ay soo diyaarisay Caasho Ibrahim Adan 'Cuud' waxaa todobaadkan marti ku ah oo dhageystayaasha suaalahooda ka jawaabaya Wasiirka Kaluumeysiga, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland Axmed Siciid Aw-Nuur.
Suaalaha todobaadkana ee ay dhageystayaasha weydiinayaan Wasiirka waxay ku saabsan yihiin sababta burcar-badeedku ugu badan yihiin xeebaha Puntland.



