Xoghayaha Guud ee ururka IGAD Maxbuub Macalin Maxamed oo ka qeybgalay Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha ee todobaadkan ayaa sheegay in ururka IGAD aysan shuqul ku lahayn isbedel lagu sameeyo barlamaanka Soomaaliya.
Barnaamijkan oo ay soo diyaarisay Caasha Ibraahim Adan wuxuu Xoghayaha Guud ee IGAD ka jawaabayaa suaalo ay dhagaystayaashu weydiiyeen oo la xiriira shirka Nairboi ee ay isugu yeedheen dowladaha ku jira IGAD, wuxuuna hoosta ka xariiqay in shirkaasi uusan ka hor-imanayn shirka Djibouti. Maxbuub Macalin wuxuu ku sheegay jawaabihiisa in IGAD ay ka shaqeynayso oo kaliya sidii ay dowlada FKMG ee Soomaaliya uga caawin lahayd sidii ay u dhamayn lahaayeen qilaafaadka dhexdooda ah.
Barnaamijkan oo dhamaystiran halkan ka dhagayso.



