Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay inuusan aqoonsan doono natiijooyin kasta oo ka soo baxa wadahadalada Djibouti haddii aan maamulkiisa lagala tashan xubnaha barlamaanka cusub ee ay soo xulayaan isbahaysiga Mucaaradka.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa wareysi uu siiyay Laanta Af-Soomaaliga VOA ku sheegay inuu dhaliil weyn u soo jeedinayo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaaliya oo uu ku tilmaamay inuu qaab deg-deg ah u wado shirka kooxaha Soomaalida uga socda Djibouti. Faroole wuxuu sheegay in maamulkiisu xaq-u leeyahay inay qeyb ka qaataan howlaha dib-u-heshiisiinta Socda, balse wuxuu ku hanjabay in hadii taas laga baaqsado aanay maamulka Puntland aqoonsan doonin dowlad ka soo baxda dibuheshiisiinta Soomaaliya.
Madaxweynaha
Puntland, wuxuu sheegay in la joojiyo magacaabista iyo balaarinta Barlamaanka
Soomaaliya, taasoo ku sababaynayo in
Puntland aan lagala tashan xulitaanka barlamaanka cusub ee ay soo xuleen
mucaaradka Soomaaliya. Cabdiraxmaan Faroole wuxuu carabka ku dhuftay in xubnaha
Barlamaanka cusub ee la ansixiyay ay gobolada
Konfureed kaliya quseeyaan.
Madaxweyne
Faroole,wuxuu sheegay in shaqsiyaadka ka soo jeeda Puntland ee u sharaxan jagada
Mweynaha Soomaaliya aysan wakiil ka ahayn Puntland. Faroole wuxuu xusay in
maamulkiisu hadii uusan ka mid ahayn ama aysan xubno ka wakiil ah aysan wadahadalada
ku jirin uusan ogolaan doonin natiijooyinka ka soo baxa Djibouti. Faroole wuxuu
soo jeediyey in marka hore wadahadal iyo dibuheshiisiin loo sameeyo koonfurta Soomaaliya,
kadibna loo gudbo dibuheshiisiin guud oo ay ka soo qeybgalaan dhamaan
dhinacyada Soomaalida.
Wareysiga Cabdiraxmaan Faroole boggan qeybtiisa kore ka dhagayso.


