Barnaamijka Wicitaanka Dhagaysayaasha oo uu aalaaba noo soo diyaariyo Abdulaziz H Osman, waxa todobaadkan marti ku ah kana jawaabaya su’aalaha dhagaystayaasha Cabdiraxman Maxamud Faarax Janaqoow oo ah wasiirka caddaaladda ee Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa si wayn wax looga su’aalay go’aankii uu shalay barlamaanku sida aqlabiyadda ah ugu ansixiyay soo jeedintii golaha wasiirada ee ahayd in Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.
Midigta sare ee boggan kaga bogo dhagaysiga barnaamijka.



