Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha oo ay noo soo diyaarisay Caasha Ibrahim Aden, waxa maanta noogu martiya Wasiirka Diinta Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldan.
Mudane Xaamud ayaa ka jawaabayay su'aalo dhowr ah oo ay dhagaystayaashu ka waydiiyeen, kulan dhawaan Jabuuti ugu soo gaba-gaboobay culumaa'u-diinka Afrika iyo kuwa Soomaaliya. Wasiirku waxa uu ka hadlay mowqifka culimada ee ku aadan dagaallada Muqdisho iyo waxa beesha caalamka iyo Soomaaliduba kala gudbeen in ay ku daweeyaan duruufahaas dagaal.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha.



