Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha oo uu aalaaba soo diyaariyo Abdulaziz H Osman waxa maanta noogu marti ah Dr. Cabdi Maxamed Cilmi oo ku magac-dheer Dr. Xaangul.
Dr. Xaanugl waxa uu ka jawaabayaa su'aalo door ah oo ay VOA iyo dhagaytayaashuba ka waydiiyeen xajmiga khasaaraha dadka Muqdisho ka soo gaaray dagaallada daashaday. Dr. Xaangul waxa uu sidoo kale ka jawaabayaa su'aalo khuseeya awoodda Isbitaalka Madiina u leeyahay in uu kaga jawaabo culasyka, baahiyahooda ugu waawayn, khatarta sida gaar ah u soo food-saarta dhakhaatiirta, sidoo kalena waxa uu is bar-bar dhigi doonaa khasaaraha ka dhashay dagaallada xilligan iyo kuwii sannadihii dagaal oogayasha.
Midigta sare ee boggan kaga bogo barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha.



