Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha ee todobaadkan waxa soo diyaariyaya Abdulaziz H Osman, waxana marti ku ah wasiirka warfaafinta ee Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Farxan Cali Maxamud.
Wasiirka ayaa waxa uu ka jawaabay su'aalo ay VOA iyo dhagaystayaashuba ay ka waydiiyeen xaaladda dagaalka ay xukuumaddiisu kula jirto mucaaradkeeda Islaamiyiinta, iyo qorshaha ay xukuumaddu ugu talagashay sidii ay isaga caabin lahayd collaaddaas.
Wasiirku sidoo kale waxa uu ka jawaabaya su'aalo khuseeya dhinacyada gacanta ka siiya dagaalkaas.
Midigta sare ee boggan kaga bogo barnaamijka.



