Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha todobaadkan waxaa ka marti ku ah fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle oo Degan London, UK. Barnaamijkan oo ay alaaba isku soo dubaridaan halkana sida wadajir ah uga soo gudbiyaan Khadra Guray iyo Ibraahim Xasan Daanduray waxaad sidoo kale ku maqlaysaan waraaqaha salaamaha iyo tahniyadaha ay dhagaystayaashu hawada isaga dirayaan iyo waliba heeso dabacsan
Fadlan hadii aad doonaysid inaad barnaamijkan warqado u soo dirsatid ku soo hagaaji:somali@voanews.com.
Qeybta hoose ama midigta sare ee boggan ka dhagayso barnaamijka oo dhamaystiran



