Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalka Soomaaliya dibadda looga soo duulay oo ay ku sugan yihiin ajaanib badan oo ka bar-bar dagaallamaya kooxaha ka soo horjeeda.

Madaxwayne Shariif oo la hadlayay barnaamijka wicitaanka dhagaystaha ee Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa intaa ku daray in dawladda Eretria ay taageero buuxda ku bixiso dagaalladaas si ayan dawladiisu u hana qaadin.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan in ay sii waddo qorsheheeda nabadda, balse dhinaca kalena waxa uu muujiyay in dadka ka soo horjeeda, waa siduu hadalka u dhigaye, ayan lahayn ajande qaran, sidaa darteedna ay u adeegayaan Ururka Al-Qaacidda si ay uga howl-galaan Soomaaliya.

Barnaamijka Wicitaanka oo uu soo diyaariyay Cabdiraxaman Caynte kaga bogo midigta sare ee boggan.