Wasiirka Aw-Qaafta iyo Arrimaha Diinta Djibouti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa ka digay ciidamo Ethiopian ah inay dib-u-galaan Soomaaliya, wuxuuna dowlada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka baaqsadaan go’aan kasta oo horseedi kara in Soomaaliya faragalin lagu sameeyo.
Xaamud Cabdi Suldaan, oo sidoo kale ahaa Wakiilkii dowlada Djibouti ee wadahadalladii Nabada ee kooxaha Soomaaliya, wuxuu wareysi uu siiyay VOA ku sheegay inay kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqeen inay khilaafka dhexdooda ah heshiiyaan oo isku tanaasulaan. Wasiirku wuxuu qaasatan ugu baaqay kooxaha mucaaradka inay dowlada la hadlaan oo ay waxa ay tabanayaan kala xaajoodaan.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Djibouti, wuxuu labadan dhinacba ka codsaday inay dalka Soomaaliya ka bad-baadiyaan ciidamada Ethiopia iyo waliba ciddi kale ee faragalinaysa Soomaaliya. Xaamud Cabdi wuxuu carabka ku dhuftay in faragalin lagu sameeyo Soomaaliya ay ka sii darayso xaaladda wadanka. Wasiirku wuxuu ugu danbeyn sheegay in dowladiisu ay wali diyaar u tahay inay wadahadal dhex-dhigto labada dhinac ee ku dagaalamaya dalka Soomaaliya
Wareysiga Wasiirka Djibouti midigta sare ee boggan ka dhagayso.



