Taliyihii ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraan ee Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Ibraahim Yuusuf iyo ciidan uu hogaaminayo ayaa ka goostay maamulka dawladda Soomaaliya kuna biiray ururka Xisbul-Islaam ee Mucaaradka ah.
Taliyaha iyo ciidanka uu horkacayay ayaa u talaabaay habeenkii xalay (Arbacadii) dhinaca xaafadda Hawl-wadaag ee magaalada Beledweyne oo fadhiisin u ah xoogaga ka soo horjeeda Dawladda.
Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusf ayaa hore u sheegay in uu ka soo horjeedo joogitaanka ciidamada Ethiopianka ah oo uu sheegay in ayku suganyihiin degomooyin ka mid ah gobolka Hiiraan.
Faahfaahinta warkaasi ka dhegayso midigta sare ee boggan.



