Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha oo uu soo diyaariyay Cabdullaahi Nuur Colombo, waxa todobaadkan marti ku ah Maxamed Warsame Kiimiko oo isagu al sheegay in dhawaan laga wareejiyay hogaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ee baramaha Soomaaliya. 

Maxamed Warsame Kimiko ayaa ka jawaabaya su'aalo badan oo la xiriira khilaafka ka jira gobolladaas, iyo waxa keenay in ururka Ahlu-sunna Wal-Jamaaca uu maamulkaas la wareego.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso barnaamijka.