Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha waxa todobaadkan noogu martiya Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta maamul-goboleedka Puntland Cabdishakur Mire Adan.
Cabdishakur Mire Adan waxa uu ku jawaabay su'aalo ay VOA-da iyo dhagaystayaashu ka keeneen dilkii wasiirkii warfaafinta Warsame Cabdi Shirwac, is-dilkii taliyihii ciidamada, xaaladda ammaanka, arimaha burcad-badeedda, xaaladda Laascaanood iyo waliba arimo kale oo khuseeya guud ahaan Puntaland iyo Soomaaliya.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha.



