Voice Of AmericaBarnaamijka Faaqidaadda Todobaadka oo uu kalkan noo soo diyaariyay Harun Macruuf ayaanu ku eegaynaa barnaamij gaar ah oo lagu soo bandhigayo Cododka Dhibanayaasha dagaallada ka socda Koonfurta Soomaaliya.
Dhibanayaasha ayaa waxa ay ka hadlayaan xad-gudubyo aad u xanuun badan oo kala soo gudboonaaday dagaallada, kuwaas oo isugu jira, dil, garaacid, kufsi iyo arimo kale. Waxa sidoo kale aad Codadka Dhibanayaasha ku maqli doontaan cododka dhakhaatiirta sida joogta ah ula tacaala xanuunka dhibanayaasha.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso Faaqidaadda Todobaadka iyo Cododka Dhibanayaasha.
Voice Of America


