
Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan ku eegeynaa kaalinta ay dumarka Muslimiintu ku leeyihiin bulshada Islaamka.
Inkastoo ay diinta Islaamku si cad u qeexday kaalinta ay haweeynka Muslimiintu ku dhex leeyihiin bulshada, haddana waxaa jirta in dal walba, ama gobol walba uu ka jiro dhaqan ka xoog badiyey fasirka saxda ah ee diinta Islaamka, sidaas waxaa qabta Dr. Ingrid Mattson, oo ah xoghayaha guud ee ururka Muslimiinta waqooyiga America ee ISNA, isla markaana hormuud ka ah kuliyadda daraasaadka Islaamiga ah ee Jaamacadda Hatford ee dalkan Mareykanka.
Dr. Mattson, oo shahaadada PhD-da ku qaadatay daraasaadka Islaamiga ah, ahna haweeney u dhalatay dalka Canada, ayaa Diinta Islaamka qaadatay iyadoo dhowr iyo labaatan jir ah. Waxayna hadda kamid tahay culimada Muslimiinta America ee u ololeeya in kaalin buuxda la siiyo haweenka Muslimiinta ah.
Waxyaabaha ay Dr. Mattson u xusul-duubeyso waxaa kamid ah in dumarku ay kamid noqdaan hoggaanka Muslimiinta, inay noqdaan culimo faafisa diinta Islaamka, iyagoo waliba-na aan dayicin qoyskooda.
Waxay tusaale u soo qaadaneysaa xaasaskii Nabi Maxamed, NNKH, gaar ahaan Khadiija iyo Caa’isha. Waxay tiri Khadiija waxay aheyd ganacsade, iyo la taliyaha koobaad ee Nabiga. Caa’ishana intaa-ba way kasii firfircooneyd.
Dr. Ingrid Mattson oo ka hadleysa Caa’isha waxay tiri: “Waxay aheyd bare, ama macallin. Waxay aheyd taliye millatari. Waxay aheyd qof ka run sheegay awoodda. Xitaa Khulafadii ama ku xigeennadii Nabiga ayaa talo iyo tusaale ugu iman jiray.”
Tusaalaha Caa’isha waa mid meesha ka saaraya in dumarku ay ku dabranaadaan aqalladooda, ayay tiri Dr. Mattson.
Dalalka ugu waaweyn caalamka Islaamka, sida Indonesia, Pakistan, Bangaladesh, Turkiga iyo xitaa Iran, dumarku jagooyinka ugu sarreeya ayay kasoo qabteen. Inkastoo culimada Islaamka qaarkood ay rumeysan yihiin in dumarku aysan jagada ugu sarreysa qaban karin, haddana culimo kale ayaa ku doodaya inaan la heyn aayad ama xadiis si barax-tiran u mamnuucaya in dumarku ay hoggaamiyayaal noqdaan.
Reer Galbeedka ayaa inta badan ku faana inay iyagu xorriyad gaarsiiyeen dumarka, inkastoo dalalka ugu muhiimsan Galbeedka, sida Mareykanka, aysan illaa haatan dooran hoggaamiye dumar ah. Intaas waxaa dheer in culimada Islaamka qaarkood ay ku doodaan in Reer Galbeedku ay iyagu cabburiyaan dumarka. Waxayna tusaale usoo qaataan in haweenka Reer Galbeedku ay qaataan ina ayaha seygooda, marka ay guursadaan. Taasi waxay cirib-tireysaa magaca qoyska dumarka Reer Galbeedka, sidaas ayay ku doodayaan Muslimiinta qaar.
Muslimiinta ayaa sidoo kale soo daliishada in Qur’anku uu yahay kitaabka kaliya ee suurad dhan ugu magac daray dumarka, waa Suuratu-nisa’a.
Laakiin waxaa jira qaar kamid ah Muslimiinta Galbeedka ku nool, oo iyagoo xorriyad doon ah ku tallaabsaday tallaabooyin dood badan dhaliyey. Sanadkii 2005-ta ayay haweeney la yiraahdo Dr. Amina Waduud, oo iyana ah professor ku takhasustay daraasaadka Islaamka, una dhalatay dalkan Mareykanka, waxay saalaad Jimco tujisay boqollaal cibaadeystayaal ah, oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ay khudbadda Jimcaha ugu akhrisay kaniisad ku taalla magaalda New York, kaddib markii masjidkii ay ku tukan lahaayeen qarax loogu gooddiyey.
Sacabkaas masjidka dhexdiisa ah waxaa xigay in Dr. Amina Wadud ay salaaddiina ka bixisay jameecadii…
Iyadoo sharraxaad ka bixineysa tallaabada ay qaadday-na waxay tiri:
Dr. Amina Waduud waxay tiri: “Sidii ay ku dhacdaba, Muslimiintu maba laha taariikh muujineysa in dumarku ay codkooda ku sharraxaan macnaha lafdiqa diinta Islaamka.”
Si kastaba ha ahaatee, waxaan shaki ku jirin in marar badan ay dhaqamada kala duwan ee Muslimiinta, gaar ahaan kuwa xirxiran ee dalalka Carabta, in loo arki karo inay haweenka duudsiiyaan xuquuqdooda.




