Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha oo uu aalaaba noo soo diyaariyo Cabdullaahi Nuur Maxmed Colombo ayaa waxa todobaadkan marti noogu ah Wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalak Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Mudane Geelle ayaa waxa uu ka jawaabay su'aalo badan oo ay VOA-da iyo dhagaystayala badan ay ka waydiiyeen shaqada wasaaraddiisa, dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku haysa waddamada, arimaha burcad-badeedda iyo guud ahaan arimaha siyaasadda Soomaaaliya.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha.