Barnaamija Wicitaanka Dhageystayaasha waxaa marti noogu ah Jaamac Yaasiin Faarax, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, oo ah xisbiga haya talada jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland. Wuxuu ka jawaabayaa su'aalo badan oo la xiriira xiisadda xagga siyaasadda ah ee ka aloosan Somaliland, iyo sida looga bixi karo.

Dhageystayaasha VOA-da, ee ku kala sugan dacallada dunida, ayaa Jaamac su'aalaha weydiinaya. Si gaar ah, wuxuu diiradda u saarayaa dib u dhigidda doorashada Somaliland, iyo waliba muranka la xiriira doorashooyinka.

Jaamac ayaa si xoog leh u difaacay go'aanka uu xisbiga UDUB ku gaaray inuu meesha ka saaro hannaanka is-diiwaan galinta, iyo waliba go'aanka ah in doorashadu ay dhacdo bilaa diiwaan galin.

Jaamac Yaasiin Faarax, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, ayaa sidoo kale difaacay go'aan uu dhawaan qaatay wasiirka arrimaha gudaha, C/llahi Cirro, kaas oo uu ciidan booliis ah ugu daabulay Aqalka Wakiillada, arrintaas oo ay ka cawdeen axsaabta mucaaradka ah.

Midiga sare ee boggan ka dhageyso barnaamijka Wicitaanka Dhageystayaasha oo dhameystiran.