Barnaamijka faaqidaadda toddobaadkan waxaan kusoo qaadaneynaa dhibaatooyinka ay dadka Soomaalida ah kala kulmaan xagga socdaalka. Dhibaatadan ayaa si gaar ah u saameysa dadka heysta baasaboorrada Soomaaliga ah, inkastoo kuwa kale-na ay saameyso.
Waxaan barnaamijka ku eegeynaa dhibaatooyinka heysta Soomaalida Mareykanka, kuwa Yurub iyo waliba kuwa Africa. Sidoo kale, waxaan eegeynaa sida loo hakiyo Soomaalida soo gala dalka Kenya.
Toddobaadkii hore ayay aheyd markii Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo kamid ah aqoonyahannada Soomaalida ee Mareykanka, uu ka cawday dhibaato ay ku hayaan laamaha socdaalka ee Mareykanka, mar walba oo uu dalka dib ugu soo laabto.
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka, oo ay gacan ka geysteen wariyayaasha VOA-da ee Qahira, Nairobi iyo Minneapolis, ayaan ku eegeynaa sida wax looga qaban karo dhibaatadaas.
Midigta sare ee boggan ka dhageyso labada qeybood ee barnaamijka.



