
Toddobaadkan waxaa barnaamijka marti inoogu ah hoggaamiyaha Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aways. Sheekhu wuxuu barnaamijka kaga warramayaa arrimo ay kamid yihiin: dagaalka Muqdisho, ninkii Faransiiska ee soo baxsaday iyo xiriirka kala dhaxeeya Al-Shabaab.
Sheekh Xasan Daahir waxaa uu tilmaamay inaanay jirin wax wadhadallo ah oo u socda iyaga iyo DFKMG, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay sida uu arko in uu xalku ku imanayo.
Arrinta ninkii Faransiiska ahaa ee afduubka loo haystay ayuu ka gaabsday sheekhu in uu ka hadlo.
Sidoo kale Sheekh Xasan waxaa uu faahfaahin ka bixiyay xidhiidhka u dhexeeya Xisbul Islaam iyo Al Shabaab.
Barnaamijka oo xiiso badan waxaadka dhegaysan kartaa midgta sare ee boggan.




