Axmadou Cabdalla

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Axmedou Oulad Cabdallah ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dhamaan dhinacyada lugta ku leh qalalaasaha Somaliland ay xal u heli doonaan qilaafaadkooda.

Axmedou Cabdallah, ayuu wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in safarkiisii Somaliland uu ahaa mid uu ku doonayay inuu labada dhinac ee qilaafka ka dhaxeeya la kulmo, isla markaana uu ugu hambalyeeyo dadaalkii dhinaca nabada ee ay deegaankooda ka dhaliyeen, isagoo ku dhiiri galiyay in qalalaasaha haatan taagan ay soo afjaraan. Ergaygu wuxuu sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo Golayaasha xisbiyada.

Ergayga Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay in Madaxweyne Rayaale uu ku kalsoon yahay baahida lo qabo in qilaafaadka la soo afjaro, laakiin Axamadou wuxuu sheegay in looga baahan yahay dhamaan dhinacyadu inay la yimaadaan ficil muuqda oo soo afjara xaaladan cakiran.  Axmadou wuxuu ku cel-celiyay inaan xaalada la buun-buunin, balse Somaliland laga caawiyo sidii ismarin-waagan xal waafa ah looga gaari lahaa.

Wareysiga Axmadou Wallad Cabdallah midigta sare ee boggan ka dhagayso.
 

Axmadou Cabdalla