Ciidamada AMISOMCiidamada AMISOM

Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdihso ee lala beegsaday xarunta ciidamada nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM  ayaa gaartay 14. Weerarkaas ayaa waxa eedeeyay kooxda caalamiga ah ee xiriirka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Barije Bahuku ayaa VOA-da u xaqiijiyay in dadka dhintay ay isugu jiraan sagaal ka tirsan ciidamada AMISOM iyo shan qof oo ah kuwii fuliyay qaraxa is-maadaaminta ah.

Dhinaca kalena, Midowga Yurub, urur goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay, Norway iyo dalka Maraykanka ayaa dhamaantood cambaareeyay waxa ay ugu yeereen weerarkii fulaynimada ahaa ee shalay dadka isa soo miidaamiyay la beegsadeen xarunta ciidamada nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Hadal ay si wadajir ah u soo saareen ayay dhinacyadu waxa ay weerarkan ku tilmaameen muqaalkale oo argagixisanimo ah iyo waliba yareeyn qiimaha nolosha aadanaha.Waxa ay sheegeen in weerarkani uunan kaliya ahayn mid loola dan lahaa ciidamada AMISOM balse uu sidoo kale yahay mid lala beegsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay caawinayaan.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada dhagaraysan ee caynkan oo kale ah ayan Soomaalida iyo beesha caalamkuba ayan ka jeedin doonin in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan in Soomaaliya lagu soo celiyo nabaddii iyo xasilloonidii.

Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa iyadana loogu baaqay in ay sii waddo dadaalkii nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyada oo la raacayo hannaankii Jabuuti.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso waraysiyo ay VOA-du la kala yeelatay Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo Wasiirka Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.