VOA iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga: Waa laba barmaamij oo gaar ah oo ay VOA-du ugu talagashay in ay kula ciiddo dhagaystayaasheeda daafaha dunida.

Barnaamijkan oo ay noo soo diyaariyeen Caasha Ibrahim Adan Cuud iyo Abdulaziz Saddaam Waxaa Qeybta kowaad ka qeybgalaya dhagaystayaasha VOA ee Dunida daafaheeda ku nool, kuwaasoo salaamaha ciidda u gudbinaya Eheladooda iyo Qaraabadooda.

Qeybta labaad waxaa ka Qeybgalaya Qaar ka tirsan Fanaanadii hoballada Waaberi sida Xasan Adan Samatar, Sahra Axmed Jaamac, Khadra Daahir Cige, Seynab Cige, Salaad Darbi, Abwaanka weyn ee C/kariin Faarax Qaaray iyo Fanaanada Nimco Dareen.

Fanaaniintan waxay munaasabaddan ciidda ku xusayaaan waayahooda iyo xaalada wadanka uu ku sugan yahay. Fanaanada Saynab Cige ayaa iyadoo cabiraysa xaalkeeda ilmaysay, iyadoo muujisay sida ay ugu hilowday dalkii hooyo.

Labada qaybood ee barnaamijka gaarka ah ee Ciidda oo kor u dhaafaya saacad iyo bar kaga bogo midigta sare ee boggan.