Fadhigii Golaha GuurtidaGolaha Guurtida ee Jamhuuriyada la baxday Somaliland, ayaa maanta isku raacay ansixinta dhowr qodob oo ay soo jeediyeen Deeqda bixiyaasha.
Qodobadaasi waxaa ka mid ah in la kala diro xubnaha guddiga doorashooyinka, isla markaana la dhagangaliyo marka la saxo natiijadii ka soo baxday diiwaangalinka. Qodobadaasi ayaa ahaa kuwii ay ku doodayeen axsaabta mucaarka. Dhinaca kale waxaa qodobada ku jira in inta arrimahaasi la dhaqangalinayo oo doorasho dalka laga qabanayo uu xilka sii hayo madaxweynaha talada haya.
Go'aamaddan golaha guuritda ayaa u muuqda inay xal u yihiin xiisadii siyaasadeed ee ka dhalan lahayd sida talada dalka laga yeelayo marka la gaadho 27-ka bishan oo ah xilliga ay ku eegtahay muddada madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin. Dhinacyadda siyaasada ee Somaliland ayaa dhamaan soo dhaweeyey go'aankaasi ka soo baxaqy Golaha Guurtida.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo oo VOA-da wareysi siiyay ayaa sheegay inay iyagu ogol yihiin soona dhaweynayaan dhamaan talooyinka iyo fikirkada ay soo jeediyeen deeqbixiyayaasha.
Qeybta hoose ama midigta sare ee boggan ka dhagayso Wareysiga Siilaanyo.



