Barnaamijka Martida Makrafoonka ee todobaadkan waxaa marti inoogu ah Mr Bilow Keerow oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Kenya.
Xildhibaan Keerow waxaa uu faallo ka bixinayaa kaalinta ay dalaka beesha caalamku ku yeelan karaan xal u helidda khilaafka ka taagan Somalia.
Mr Keerow ayaa dhaliilaya kaalinta dalalka caalamku ka gaysteen taageeridda Dawladda iyo soo dhawaynta kooxaha ka soo horjeeda si loo helo is afgarad lagu dhameeyo dagaalada dabada dheeraaday.
Sidoo kale waxaa uu Mr Keerow ka hadlayaa faahfaahin ku saabsan maqaal uu dhwaan ku daabacay Wargayska Daily Nation oo uu kaga hadlay xaaladda Somalia.
Barnaamijka Martida ka dhegayso midigta sare ee boggan.



