Barnaamijka Cawayska Washington ee todobaadkan qodobada ugu xiisaha badan ee uu xambaarsanyahay waxaa ka mid ah :
Maxaad ka taqaannaa noocyada guurka Soomaalida? Waraysi aad u xiiso badan oo arrintaasi ku saaban ayaa Todobaadkan Barnaamijka lagu soo qaaday.
Qodobada kale ee Barnaamijka waxaa ka mid ah Sheeko ku Saabsan Safarada ugu dhibta badan ee Soomaalida soo mara marka ay u haajirayaan dalalka Europe.
Ugu dambayntii, goormaa kuugu dambaysay fanaanka weyn, Maxamed Axmed Kuluc? Waraysi ayaa todabaadakan idinka haynaa.
Barnaamijka oo dhamaystiran ka dhegayso midigta sare ee boggan.



