Madaxweyne Somalia Sheikh Sharif Sh. Axmed ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in dowladdiisu ay kasoo waaqsato dhibaatooyinka faraha baan ee ku habsaday, 8-diidii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Sharif oo u warramaya VOA

Wareysi gaar ah oo uu madaxweynuhu siiyey Qeybta Af-Soomaaliga ee VOA-da, ayuu ku sheegay in taageerada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan dowladdiisa ay tahay mid aan isbeddelin, wuxuuna sheegay in taageeradaas, oo lagu lamaaneeyey midda caalamka, ay horseedi karto in dowladdiisu ay guuleysato.

Madaxweyne Sharif, oo maalmihii lasoo dhaafay magaalada New York u joogay si uu uga qeyb galo madasha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa dhanka kale faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey codsi uu u gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ahaa in xayiraadda xagga hubka ah laga qaado Somalia, si dowladdiisu ay u keensato hub iyo saanad, una dhisato ciidan qaran.

Booqashada Mareykanka

Madaxweyne Sharif oo lagu wado inuu toddobaadkan booqdo gobollada ay ku badan yihiin jaaliyadaha Soomaalida ee Mareykanka, ayaa sheegay inuu jaaliyadda kala hadli doono arrimo ay kamid yihiin: dhallinyarada Soomaali-Mareykanka ah ee dagaalka u doontay Somalia.

"Waxaan nasiib darro ah in dad markii horeba Somalia uga soo cararay fowdo iyo dagaal, inay markale iyagoo dagaal doon ah dalkii ku laabtaan," ayuu yiri Sharif.

Heshiiska Puntland

Madaxweyne Sharif ayaa sidoo kale ka hadlay heshiis uu dhawaan Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashid la saxiixday maamul-goboleedka Puntland, wuxuuna sheegay ineysan jirin in heshiiskaas lagu xadgudbay, sida kasoo yeertay qaar kamid ah masuuliyiinta Puntland.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay inay jiraan dad mar walba weecinaya ujeedada wanaag walba oo ay dowladdiisu sameyso.

Madaxweyne Sharif oo u warramaya VOA