
Kullan lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha DKMG Sh. Sharif iyo wafdigiisa ayaa xalay ka dhacay Washington. Qudbad uu kullankaasi ka jeediyay Somalida Mareykanka ee Washington degan, wuxuu uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee Soo martay. Sharif wuxuu si gaar ah uga hadlay khilaafkii soo kala dhexgalay kooxahii Islaamiyiinta ee iyagu isku mabda’ ahaa oo uu sheegay inuu isagu laf ahaantiisa ogaa khilaafkaasi, balse uu sugayay inay banaanka u soo baxaan.
Sheeikh Shariif, wuxuu xusay in dhibaatada dagaaladan haatan socda ay keentay in dadka Somalidu ay ka aamin baxaan culumada Somalida, balse Sh. Shariif wuxuu ku dooday in taariiqda Somalida marka la eego cullumadu ay ahaayeen kuwa dadka hagga oo fidinta Diintana qeyb weyn ka soo qaatay.
![[insert caption here] [insert caption here]](http://media.voanews.com/images/66-Ka-soo-qeybgalayaasha_0.jpg)
Madaxweyne Sharif, wuxuu cadeeyey in kooxaha ka soo horjeeda dowladiisa ee magaca diimeed ku dagaalamaya ay ka beensheegayaan diinta, iyagoo ay kooxahaasi xitaa u duufsanayaan dhalinyarada Qurbaha ku nool. Sheekh Sharif, wuxuu Qurbajoogta Somaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii sharafta iyo sumcadii Somaliya dib loogu soo celin lahaa.
![[insert caption here] [insert caption here]](http://media.voanews.com/images/66-Ka-qeybgalayaasha_0.jpg)
Ugu danbeyntii Sheekh Sharif Sh. Axmed Madaxweynaha DKMG ee Somalia, wuxuu Somalida degan Washington Area uga mahadceliyay taageeradooda, balse wuxuu ku cel-celiyay kana codsaday in dowladiisa ay bar-bar istaagaan si ay ugu guulaysato dadaalka ay ugu jirto nabad-ku soo dabaalida Somalia.
Warbixinta kullankaasi midigta sare ee boggan ka dhagayso.



