Madaxweyne ShariifMadaxweyne Sharif Sheikh Axmed ayaa axaddii Xalay la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, oo ah gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan Mareykanka, Halkaasi oo ka dhoofeen Dhalinyaro Somali-Maraykan ah oo ku biiray Kooxda Al Shabaab.
Ugu yaraan shan kamid ah dhallinyaradaas, ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaallada Somalia.
Madaxweynaha ayaa shalay galinkii dambe la kulmay waalidiinta dhallinyarada Soomaalia ku geeriyootay, iyo kuwa illaa haatan u maqan.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa cambaareeyay falalka is qarxinta ah iyo waxa uu ku tilmaamay marin habaabinta dhalinyarada looga dilayo mustaqbalkooda iyo waixii ay dalkooda u tari lahaayeen, waxaana uu tacsi u diray waalidiinta dhalinyarada ku geeriyootay dagaalada Somalia.
Dhanka kale, masuuliyiintii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa Senator Al Franken, oo ah mudanaha gobolka Minnesota u metal aqalka Senate-ka.
Mudanaha ayaa sheegay in siyaasaddii maamulkii hore ee Bush ee Somalia ku beegneyd, ay aheyd mid khaldan, oo si kooban xoogga u saartay arrimaha la dagaallanka argagixisada.
Mudanaha ayaa intaas ku daray in maamulka cusub ee Obama uu siyaasad dhameystiran kula dhaqmayo Somalia.
Sen. Al Franken ayaa sheegay in dowladdiisu ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay dowladda Sheikh Sharif.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Sharif ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota inay si buuxda uga qeyb qaataan geeddi socodka nabadda iyo dibu-heshiisiinta oo sida uu sheegay ay dowladdiisu horkaceyso



