Ururka Midowga Africa ayaa ugu baaqay  Golaha Ammaanka ee QM inay cunaqabatayn ku soo rogto Waddanka Eritrea , iyaga sabab uga dhigay taagerada ay siiso kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Somalia .

Midowga Africa waxa ay sheegaan in dekedaha Eretrea iyo garoonadeeda Diyaaradaha in la xaayiro si aanay wax uga dhoofin. Uruka IGAD ayaa iyagu durba ugu yeeray cunaqabatayn  waddanka ERETREA ,taasi oo ay ku eedeyeen  hub iy dhaqaalaba ay siiso  kooxaha dagaalamaya, hase yeeshee dowlada Eritrea waa ay beenisay eeddasi loo soo jeediyey .

Codsiga  Cunaqabataynta cusub  ayaa timid  Jimcihii shalay  kadib markii in ka badan 40 qof lagu dilay dagaallo ka dhacay magaalda Muqdisho . Ciidamada DKMG ee Soomaliya ayaa isticmaalyey  hubka Artelliraga  si ay u  ifaacdaan meelihii ay ka qbsadeen kooxaha la dagaalamaya.