Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afewerki oo markii ugu horeysay ka hadlay xaalada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dowlada Soomaaliya mid dibeda laga soo dhisay oo gacan ku rimis ah.

Madaxweyne Afewerki, wuxuu sheegay in dagaallada ka socda dalka Soomaaliya ay yihiin ku ay ku doonayaan inay xuquuqdooda helaan, wuxuuna sheegay in dowladiisu ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, balse aysan taageersanayn dowlada iyo mucaaradkaba.

Madaxweynaha Eritrea wuxuu ugu baaqay dhamaan Soomaalida inay qabtaa shir ay dhamaan isugu yimaadaan oo ay kadibna dhistaan xukuumad iyaga u gaar ah. Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay jiraan wadamo geeska Afrika ku yaal oo doonaya in Soomaaliya sideeda ay ku sii jirto.

Madaxweynuhu Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay faraha kala baxaan ay  ka dayaan faralinta ay ku hayaan dalka Soomaaliya.

Midigta Sare ee boggan ka dhagayso warbixin uu Weriyaha VOA Sanca Jacfar kuukay uu ku eegayo hadalka Madaxweynaha Eritrea.