Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa caawa oo saalasa ah isku raacay in muddada loo kordhiyo  ciidamada AMISOM ee jooga Soomalia si ay u caawiyaan DFKMG. xubnaha golaha ayaa isku raacay in 8 bilood loogu daro wakhitga ay sii joogayaan ciidanka AMISOM.

Danjiraha dawladda Britain u jooga Qaramada Midoobay oo dalkiisu qorshahan soo jeediyay ayaa sheegay in talaabadani ay u ogolaanayso in taageero malaayiin doolar ah la bixiyo si loo qalabeeyo ciidanka nabad ilaalinta .

Ciidamada AMISOM ayaa ka kooban 4 kun oo askari oo ka kala socda Burundi iyo Uganda  kuwaasi oo ka caawinaya xukuumada Soomaaliya sidii ay ugu hortagi lahayd islaamiyiinta ka soo horjeeda.

Midawga Afrika ayaa hore ugu baaqay qaramada midoobay in la taageero ciidanka nabad ilaalinta .

Golaha Amaanka ayaa u arka in xoojinta AMISOM tahay talaabo haboon.