Ururka Al Shabaab ayaa ku gacan saydhay Qaraarkii Golaha Amaanka ee mudda kordhinta ciidamada AMISOM, waxaanay ku tilmaameen in uu yahay go’aan lagu sii hurinayo cadaawadda u dhaxaysa umadda muslinka ah, iyaga oo tilmaamay in ay ka soo hor jeedaan.
Af-hayeenka Al Shabaab Al Mujaahidiin Sheekh Cali Mxamuud Raage ayaa shir Jaraa’id oo uu maanta oo Khamiis ah khadka tilifoonka ku qabtay waxaa uu ku sheegay in ay u arkaan Go’aankaasi mid ay dadka uu ku tilmaamay Gaaladu ay ugu tashadeen burburinta umadda muslinka ah ee Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa uu Af-hayeenku uu waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aankii Midawga Afrika ee xiritaanka Garoomada iyo Dekedaha isaga oo ku tilmaamay in loola dan leeyhay in lagu dhibo dadka ku nool gobolada ay nabaddu ka jirto ee wax kala soo dega dekadahaasi iyo garoomadaasi la xidhayo.
Afhayeenka ayaa ka codsaday warbaahinta Soomaalida in ay dhexdhexaad ahaadaan oo aanay u adeegin sida uu hadalka u dhigay gaalada, waxa kale oo uu ka codsaday in warbaahintu ay ugu yeedho magaca ururka ee saxda ah kaasi oo ah Xarakada Shabaab Al Mujaahidiin, isaga oo tilmaamay in ay xaq u leeyihiin in loogu yeedho magac ay la baxeen.
Faahfahinta warkaasi ka dhegayso midigta sare ee boggan









