Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii uu talada qabtay ku tagaya Dalka Ghana ee Qaarada Afrika.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in sababta uu Ghana u doortay inuu booqashadiisa uga bilaabo ay tahay in wadankaasi uu ka jiro maamul-wanaag, halkaasoo madaxda dalkaasi yihiin kuwo ay dadkoodu la xisaabtamaan.

Madaxweynaha Ghana John Atta Mills, golayaasha dowlada iyo dadka reer Ghana ayaa si weyn ugu faraxsan booqashada Madaxweyne Obama. Dalka Ghana ayaa sanadkan horaantiisii waxaa ka dhacay doorasho si weyn loogu tartamaya, taasoo xisbigii talada hayay looga guulaystay, kuwaasoo si nabad-gelyo ah ku aqbalay arrintaasi.

Johny Carson, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, ayaa dhawaan sheegay in tagida Madaxweyne Obama ee Ghana ay fariin ama abaalmarin u tahay wadamada muujiyay karti fiican oo maamul-wanaag ah. Wadamadaasi waxaa ku jira Ghana, Tanzania iyo Botswana.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso Warbixinta Booqasha Obama ee Ghana